Connect with us

somalilandtoday.com

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul

focus

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor marqaati furay maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, taasi oo la xidhiidha shil dhimasho leh oo magaalada ka dhacay bishii November 2023. 

Amar soo xidhitaan ayaa loo jaray Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii gaadhigiisa uu xaga dambe kaga dhacay mooto uu waday Yunus Emre Gocer oo 38 jir ahaa 30-kii November. Yunus ayaa cisbitaalka ku geeriyooday 6 maalin kadib, xilligaas oo Maxamed uu kahor ka tegay Turkey.

Wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc ayaa bishii tagtay sheegay inuu kiiska kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, si loo qorsheeyo soo laabashada Maxamed.

Warbaahinta Turkey ayaa ku warantay in amarkii soo xidhitaan iyo mamnuucistii safar ee ka dhanka ahaa Maxamed la baabi’iyey kadib markii uu hortagay oo uu hadal siiyey maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Waxaa kadib sii daayey maxkamadda.

Maxamed ayaan qiran dambi, wuxuuna mar kale ku celiyey hadalkii uu sheegay waxyar kadib shilka, oo ahaa in Yunus uu lahaa khaladka shilka.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa hore u dalbaday xadhig laba illaa lix sanno ah. Dhageysiga dacwadda ayaa dib loo dhigay illaa 16-ka January.

More in focus

To Top