Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya oo qaaday tallaabo cusub oo xoojineysa heshiiskii dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland

focus

Itoobiya oo qaaday tallaabo cusub oo xoojineysa heshiiskii dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland

Itoobiya oo qaaday tallaabo cusub oo xoojineysa heshiiskii dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland

Golaha Iskaashiga Xisbiyada Itoobiya ayaa mar kale ku celisay inay taageersan yihiin heshiiskii is-afgaradka dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland.

Xisbiyada Siyaasadda ee Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskaas.

Bayaan kasoo baxay Golaha xisbiyada siyaasadda ayaa waxaa lagu sheegay in xisbiyada ay u midoobi doonaan, ayna qeyb ka qaadan doonaan sidii uu heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya iyo Somaliland uu meel mar u noqon lahaa, si Itoobiya ay u hesho bad.

“Taageerada xubnaha isbahaysiga ee goluhu waxay ahayd mid aqlabiyad ah, waxayna xisbiyada u midoobi doonaan dhaqan-gelintq is-afgaradka,” ayaa lagu yidhi bayaanka Golaha Iskaashiga Xisbiyada Itoobiya oo ay Somalilandtoday aragtay.

More in focus

To Top