Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamadda Itoobiya oo laba dhalinyaro ah ku dilay xuduuda Somaliland

focus

Ciidamadda Itoobiya oo laba dhalinyaro ah ku dilay xuduuda Somaliland

Ciidamadda Itoobiya oo laba dhalinyaro ah ku dilay xuduuda Somaliland

Wararka naga soo gaadhaya dhanka xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay toogasho ka geysteen halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo qof shacab ah.

Askariga Booliska ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed, halka qofka kale ee shacabka ah ee la dilay lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Budul.

Askariga iyo wiilka dhalinyarada AUN ayaa u dhintay toogasho ay ku sameeyeen ciidanka Itoobiya ee xadka ku sugan. Lamana oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay toogashada.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudaha ayaa marar dhowr ah sidan oo kale dilal ugu gaystay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo dad shacab ahi ay ku dhinteen.

Majiro wax war ah oo la xidhiidha dhacdadan oo kasoo baxay maamullada labada dhinac.

More in focus

To Top