Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad go’aan ka gaadhaysa in Donald Trump uu kale tartamo madaxweynaha Mareykanka

focus

Maxkamad go’aan ka gaadhaysa in Donald Trump uu kale tartamo madaxweynaha Mareykanka

Maxkamad go’aan ka gaadhaysa in Donald Trump uu kale tartamo madaxweynaha Mareykanka

Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhageysan doonto dacwad taariikhi ah oo lagu go’aamin doono in Donald Trump uu u tartami karo madaxtinimada dalka Mareykanka iyo in kale.

Garsoorayaasha ayaa isku raacay in la qaado racfaanka Mr Trump ee ka dhanka ah go’aanka Colorado ee lagaga saarayo doorashada 2024 ee gobolkaas.

Kiiska ayaa la dhageysan doonaa bisha February, waxaana xukunka uu ka dhaqan geli doonaa dalka oo dhan.

Dacwooyin ka socda gobolo badan ayaa doonaya in Trump loo diido doorashada, iyaga oo ku andacoonaya in uu ku lug lahaa kacdoonno rabshado ka dhacay dhismaha dawladda ee Capitol saddex sano ka hor.

Caqabadaha dhanka sharciga ah waxay ku xiran yihiin in wax ka beddelka dastuurka ee xilligii dagaalladii sokeeye uu Mr Trump ka dhigayo mid aan u qalmin inuu isu soo sharaxo.

More in focus

To Top