Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn u difaacday heshiiska madaxweyne Muuse Biixi uu shalay Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed Cali.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” ayaa degelka uu ku leeyahay shabakada X ee hore loo odhan jiray Twitter wuxuu si kooban ugaga hadlay is fahamka taariikhiga ah ee ay maanta wada gaadheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha dawladda Itoobiya Aby Axmed.
Qoraalka Wasiirka oo aanu idiin soo turjunay ayaa u dhignaa sidan:-
Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale.
Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL Md. Cabdinasir Cumar Jaamac, ayaa sheegay in guul taariikhi ah iyo himilooyin waaweyn ay wadajir uga dhabeeyeen JSL iyo Itoobiya.
Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:-
“Tan iyo ilaa intii uu soo baxay heshiiska is afgarad ee ay kala saxeexdeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia, Dr. abiy Ahmed Ali, waxa soo baxaya hadallo xiqdi iyo nacayb xambaarsan oo ka soo yeedhay rag soo qabtay xilalka Ra’iisul Wasaare Madaxwayneyaal hore oo Soomaaliya ah, kuwaasi ka soo horjeeda horumarka iyo Jiritaanka Somaliland.
Sidoo kale waxa Soomaaliya ay beri iskugu yeedhay Golahooda Wasiirrada, waxaana dhaqamadaasi ay muujinayaan cadaawada Soomaaliya u hayso ummadda reer Somaliland iyo Qarannimadooda.
Heshiiskan taariikhiga ahi maaha mid ku yimi hannaan laabla-kac ah ee waa heshiis ka dhashay gorgortan, lafa-gurkiisuna qaatay wakhti dheer soona socday muddo.
Marka laga eego labada qoddob ee heshiiska asalka u ah oo ah in Ethiopia hesho marin biyood baddeed 20Km ah, Somaliland-na ay ugu beddesho aqoonsi buuxa oo ah himillada ugu weyn ee JSL, raacdada ugu jirtay muddo ka badan soddon sanno,
waa dhacdo taariikhi ah iyo guul weyn oo u soo hoyatay Somaliland iyo Ethipio-ba.
Labadaas baahiyood oo keli ah baa kuugu filan inay labada dawladoodba ay yoolashoodii waaweynaa wadajir uga dhabeeyeen.
Waxa kaloo jirta in Ethiopia aanay keli ku ahayn inay Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi buuxa oo caalami ah siiso, hase ahaatee ay noqonayso waddanka ugu horreeya, laakiin ay jiri karaan ku dhawaad 20 dawladood oo ka mida Midowga Afrika (AU).
Sidaa daraadeed, dawladda Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa inayna cadaawadii iyo xumaantii ay dadka reer Somaliland kula soo dhaqmayeen aanay ku darin xumaato kale oo aan laga dheefayn in la sii kala fogaado mooyee wax kale.
Waxaan odhan lahaa Soomaaliya waxaad geysateen ee hore iyo taariikhdii madoobayd mid kale ha ku darina oo ee uga faa’iidaysta in aanay Itoobiya idiinkaga horen aqoonsiga Somaliland oo xiligiisii la gaadhay.”
“Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)”
Sanadka 2024 waxa uu ku bishay war Farxad ALLE oo ka yimid Hogaamiyaha Somaliland.
Sanadkan waxa uu ku bilowday war farxad leh oo curtay dhegaha reer Somaliland.
Daqiiqado gudahood ayaa dareenka shacabka reer Somalilanduu ku yimid isbedel weyn oo farxad geliyay intooda badan.
Rayalcaamka dadka reer Somaliland ayaa soo dhaweeyay guusha taariikhiga ah ee uu soo hooyay madaxweyne Musse Biixi Cabdi oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo si toos ah goob fagaare ah shir jaraa’id oo uu kula qabtay hogaamiye dal weyn oo Ethiopia ah.
Ummadda reer Somaliland qalbiyadooda saaqay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu
si toos ah uga sheegay shirkaa jaraa’id in Ictiraafkii Somaliland ee aynu 32ka sanadood baahida u qabnay lagu bedelan daano 20km oo ka mid ah badeena oo ay dawlada Ethiopia u baahnayd qarniyo, taasi oo haddana isla goobta ka sheegay in ay tahay ” Liis”, micnaha kiro muddo soconaysa.
Faaqidayaasha arrinka ayaa intooda badan EEBE uga mahadcelinayaa guusha taariikhiga ah ee ay maanta Somaliland soo hoysay.
Dhinaca kale waxa jira in qayb aan badnayn oo reer Somaliland ah ay shido u arkaan arrinkan, kuwaasi oo iyagu ay isaga qaldan tahay wixii gudaheena ah iyo guusha qarankan uu mar walba gaadho.
Si kastaba xaalku ha noqdee maanta reer Somaliland waxa u soo hoyday guul loo baahan yahay in loo dabaal dego.