Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney Si fudud ku noqotay gabadha ugu taajirsan dumarka adduunka

focus

Haweeney Si fudud ku noqotay gabadha ugu taajirsan dumarka adduunka

Haweeney Si fudud ku noqotay gabadha ugu taajirsan dumarka adduunka

Haweeneyda dhaxalka u heshay shirkadda L’Oréal Françoise Bettencourt Meyers ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee yeelata hanti gaadhaysa $100bn (£78.5bn; €90.1bn) oo dhaxal ah, sida laga soo xigtay warbixinta dadka ugu taajirsan adduunka.

Shirkaddan iibisa waxyaabaha la isku qurxiyo ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa waxaa lahaa awowgeed muddo tobnaan sanno ah, waxayna ka mid ahayd kuwa ugu fiican ee suuqa ku jira.

L’Oréal ayaa Khamiistii lasoo dhaafay uu dakhligeedu aad sare ugu kacay ka dib qiimeyn lagu soo bandhigay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Shirkaddan ayaase dakhligeedu uu hoos u dhacay markii uu socday xanuunka safmarka ah ee coronavirus, markaas oo dadka ay xayiraadda saarneyd aad u isticmaali jirin waxyaabaha la isku qurxiyo ee loo yaqaanno makeup.

Lacagta ay leedahay Ms Bettencourt Meyers, oo 70 jir ah, ayaa gaadhay $100bn sida lagu xusay jaantuska Bloomberg Billionaires Index, waxayna taas ka dhigeysaa qofka 12aad ee ugu taajirsan adduunka.

Haweeneydan ayaan weli gaadhi karin dhiggeeda kasoo jeeda dalka Faransiiska Bernard Arnault, oo liiska uga jira booska labaad waxayna hantidiisu gaadheysaa $179bn. Mr Arnault waa aasaasaha LVMH, oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ee waxyaabaha qaaliga ah iibisa, waxayna leedahay shirkadaha waaweyn ee Fendi iyo Louis Vuitton.

Ms Bettencourt Meyers waa guddoomiye ku xigeenka shirkadda. Iyada iyo qoyskeeda waa kuwa saamiga ugu weyn ku leh L’Oréal qiyaastii saami dhan 35%.

Waxay noqotay qofta dhaxalka u leh L’Oréal ka dib markii hooyadeed, Liliane Bettencourt, ay geeriyootay sanadkii 2017.

Liliane, oo dhowr jeer loo aqoonsaday qofka ugu taajirsan Faransiiska, ayaa xidhiidh dhow la lahayd hoggaamiyeyaasha Faransiiska, waxayna aad uga soo muuqan jirtay warbaahinta.

Sanadaheedii ugu dambeeyay, waxaa lasoo bandhigay mar ay dagaal la gashay Françoise, oo ah gabadheeda keliya ee ay carruur ka dhashay, taasoo sawir-qaade ku eedeysay inuu ka faa’iideysanayo xaaladda caafimaadka maskaxda ee hooyadeed.

“Gabadheyda si samir leh ayay u sugi kartay geerideyda intii ay sameyn lahayd waxaan oo dhan si ay u soo dedejiso,” ayay ku tidhi wareysi uu telefishin la yeeshay.

Sanadkii 2011, maxkamad ku taalla Faransiiska ayaa xukmisay in Liliane ay qabtay xanuunka asaasaqa ee sababa xusuus inay qofka ka lunto, waxayna Françoise u xukmisay inay maamusho hantideeda iyo dakhligeeda. Qof kale oo xubnaha qoyska ka mid ah ayaa loo xil saaray xannaaneynta iyo ka warqabka caafimaadka Liliane iyo caafimaadkeeda jir ahaaneed.

Ms Bettencourt Meyers ayaa la sheegay inay door bideyso in ay aad uga soo muuqan kulammada ay jecel yihiin inay ka qeyb galaan qaar badan oo ka mid ah dadka ugu taajirsan adduunka, waxayna jeceshahay in nolosheedu ay u noqoto mid iyada gaar u ah oo aan looga war qabin.

Waxaa haweeneydan lagu yaqaan inay saacado badan ciyaarto khamaarka maalintii, waxayna qortay laba buug, kuwaasoo kala ah mid ay ku daraaseysay Bible-ka iyo ilaahyada Giriigga.

“Waxay runtii ku dhex nooshahay xeyn-daabkeeda. Waxay inta badan ku nooshahay qoyskeeda dhexdiisa,” ayuu yidhi Tom Sancton, oo qoray buugga The Bettencourt Affair.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top