Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka Xisbullaah oo si adag uga hadlay sarkaal sare oo u dhashay IRAN oo duqeyn lagu dilay

focus

Ururka Xisbullaah oo si adag uga hadlay sarkaal sare oo u dhashay IRAN oo duqeyn lagu dilay

Ururka Xisbullaah oo si adag uga hadlay sarkaal sare oo u dhashay IRAN oo duqeyn lagu dilay

Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dilka Radhi Mousavi, oo ahaa lataliye sare kana tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, “uu ahaa weerar cad xishood la’aan iyo xad gudub.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in Radhi Mousavi uu ahaa “mid ka mid ah walaalaha ugu wanaagsan ee ka shaqeeyay in ay taageeraan iska caabinta Islaamiga ah ee Lubnaan muddo tobanaan sanno ah.”.

Mousavi, oo ahaa lataliye sare oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa Isniintii lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo la rumeysan yahay in Israa’iil ay gaysatay, kaasoo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Xisbullaah iyo ciidamada Israa’iil ayaa maalin walba is weydaarsada duqeymaha tan iyo markii uu billaamay dagaalka Qasa.

Bilowgii bishan, Iran ayaa ku dhawaaqday in laba sarkaal oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay goobaha ururka Xisbullah ee ku yaalla dalka Suuriya.

More in focus

To Top