Connect with us

somalilandtoday.com

Doon gaadiid badan kasoo qaaday Dubai una rarnayd ganacsato Soomaali ah oo gubatay

focus

Doon gaadiid badan kasoo qaaday Dubai una rarnayd ganacsato Soomaali ah oo gubatay

Doon gaadiid badan kasoo qaaday Dubai una rarnayd ganacsato Soomaali ah oo gubatay

Dab xooggan oo sababay inay basbeesho ayaa ka kacay Doon u rarnayd ganacsato Soomaali ah, taas oo u socotay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Doontaas ay siday badeecado gaadiidka yaryar ee raaxada u badan.

Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.

Wasiir Abshir ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aanu ka dhalan dabka qabsaday Doonta, balse waxaba ayna ka badbaadin hantidii saarnayd.

Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12-kii bishan kasoo baxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxayna u socotay dekadda magaalada Hobyo ee maamulka Galmudug.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontaasu gubato, waana la badbaadi waayey oo waxaa gubtay dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirtay bagaash iyo ku dhawaad 100 gaadhi.

More in focus

To Top