Connect with us

somalilandtoday.com

Bangiga Horumarinta Afrika Oo Dhaman Shaqalihiisa caalamiga ah Kala Baxaya Itoobiya

focus

Bangiga Horumarinta Afrika Oo Dhaman Shaqalihiisa caalamiga ah Kala Baxaya Itoobiya

Bangiga Horumarinta Afrika Oo Dhaman Shaqalihiisa caalamiga ah Kala Baxaya Itoobiya

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in uu dhammaan shaqaalihiisa caalamiga ah kala baxayo dalka Itoobiya, kaddib markii ciidamada ammaanka dowladda ay weerar ku qaadeen shaqaalahooda.

Bangiga ayaa cabasho rasmi ah ka gudbiyay maamulka Addis Ababa bishii hore. Waxa uu ku tilmaamay weerarka iyo xadhigga laba ka mid ah shaqaalihiisa oo dhacday bishii October dhacdo dublamaasiyadeed oo halis ah.

Madaxweynaha bangiga, Akinwumi Adesina ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn sida aysan shaqaalihiisu u dareemayn ammaan ku ay ku shaqeeyaan kuna dhex socdaalaan dalka gudihiisa.

Bangiga oo magaciisa loosoo gaabiyo AfDB waxa uu in ka badan hal bilyan oo doollar ku maalgeliyay ku dhawaad labaatan mashruuc oo laga fulinayo Itoobiya. Ma jiro wax jawaab ah oo wali ka soo baxay dowladda Itoobiya.

More in focus

To Top