Connect with us

somalilandtoday.com

Donald Trump oo loo diiday in uu mar kale u tartamo Madaxweyne Maraykanka.

focus

Donald Trump oo loo diiday in uu mar kale u tartamo Madaxweyne Maraykanka.

Donald Trump oo loo diiday in uu mar kale u tartamo Madaxweyne Maraykanka.

Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ayaa xukuntay in Donald Trump aanu u tartami karin xilka madaxtinimada sannadka soo socda, iyadoo soo xiganeysa qodob ka mid ah dastuurka.

Go’aan taariikhi ah, ayay maxkamaddu ku xukuntay in Mr Trump aanu ahayn musharax u qalma.

Waa markii ugu horeysay ee qaybta 3aad ee wax ka bedelka 14aad ee dastuurka Maraykanka loo isticmaalo in laga reebo musharaxa madaxweyne.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in Mr Trump laga tuuro doorashada ayaa lagu guuldareystay.

Go’aankan ayaa ilaa bisha racfaan laga qaadan karaa ilaa bisha soo socota waxaana la sheegay in aanu khuseyn gobolada kale.

Xukunka ayaa kaliya khuseeya doorashada hordhaca ah ee gobolka ee 5-ta march, markaas oo codbixiyayaasha Jamhuuriga ay dooran doonaan musharraxa ay doorbidayaan ee madaxweynaha, in kasta oo ay saameyn ku yeelan karto doorashada guud ee November.

More in focus

To Top