Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya oo is casilay iyo Sababta

focus

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya oo is casilay iyo Sababta

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya oo is casilay iyo Sababta

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka aaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa uu ku caddeeyay in aanu kasii mid ahayn xukuumadda dalka.

Qoraalka ayaa lagu yidhi, “Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiir Abshir Huruuse uu kamid yahay musharraxiinta loollanka ugu jira kursiga hoggaanka ee maamul goboleedka Puntland.

More in focus

To Top