Connect with us

somalilandtoday.com

Koox Soomaali ah oo qabsaday markab aad u weyn oo laga leeyaha…

focus

Koox Soomaali ah oo qabsaday markab aad u weyn oo laga leeyaha…

Koox Soomaali ah oo qabsaday markab aad u weyn oo laga leeyaha…

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ayaa ku baxay markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta, kaasi oo la rumeysan yahay inay afduubteen budhcad badeedda Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka budhcad badeedda.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan budhcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan “markab la sheegay inay burcad-badeeda afduubteen,” kaasi oo lagu magacaabo Ruen, xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.

Xubin ka mid ah kooxihii hore ee gacan ka gaysan jiray abaabulka weerarada lagu qaado maraakiibta, oo ku sugan Puntland, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu maqlay in budhcad-badeedda ay u suurta-gashay in ay qabsadaan markab.

“Lix ka mid ah saaxiibadeyda budhcad-badeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yidhi isagoo ku sugan magaalada xeebta ah ee Qandala.

Ma shaacin magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Howlgalka EUNAVFOR ayaa sheegay in markabka dagaal ee Victoria ee Spain loo diray goobta weerarka, “si uu usoo ururiyo macluumaad dheeri ah, una qiimeeyo tallaabooyinka la qaadi karo.”

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in markabka Ruen ay afduubteen budhcad-badeedda.

Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay in ay warbixin ka heshay sarkaal ka tirsan ilaalada markabka oo sheegay in shaqaaluhu ayna gacanta ku hayn markabka, oo hadda ku sii jeeda Soomaaliya.

Markabka Ruen waxaa maamula shirkadda Bulgare ee dalka Bulgaria, sida ku cad xogta shirkadda Equasis ee kaydisa xogta maraakiibta.

Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isaga oo shareecanaya dhanka Soomaaliya abaare 2:26 pm Jimcihii, sida ku cad xogta shirkadda LSEG ee la socota dhaqaaqa markaaiibta.

More in focus

To Top