Connect with us

somalilandtoday.com

Muniir Axmed Cigaal oo Sixitaan ku sameeyay hadalkii Wasiirka Warfaafinta

focus

Muniir Axmed Cigaal oo Sixitaan ku sameeyay hadalkii Wasiirka Warfaafinta

Muniir Axmed Cigaal oo Sixitaan ku sameeyay hadalkii Wasiirka Warfaafinta

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa sixitaan ku sameeyay hadalkii Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Xogtii Suldaan Maxamuud Guuleed ee Waddada Qorilugud-Wadaama-goo & Buhoodle.

Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal uu soo saaray waxa ku yidhi sida tan:

“Sixitaan hadalkii Wasiirka Warfaafinta iyo Xogtii Suldaan Maxamuud Guuleed ee Wadada Qorilugud-Wadaama-goo & Buhoodle.

Wadada Qorilugud- Wadaama-goo iyo Buuhoodle, waxay ahayd mashruuc  lacagteeda ay bixinaayeen Waddamada EU, bilawga mashruuca dhismaha Wadada oo lacagta ku baxaysa loo qorsheeyay Wadada oo kaliya nasiib darro Xukuumadda ayaa u kala jabisay 3-mashruuc, iyadoo Lacagti Wadada loogu tallo galay ku reebtay wax faraguud kood ah.

Wadada waxa laga dhigayaa hadda sida Xukuumaddu u qorshaysay caratuur halkii loogu talogalay Laami waayo dawlada ayaa lacagtii u qaybisay saddex meelood:

1. Wado caratuur ah oo tii laamiga ahayd  lagu bedelay:

2. Biyo xeedheen wayn oo biyaha loogu xidho Dacar Budhuq.

3. Biyo Xidheen wayn oo biyaha loogu xidho Sabawanaag.

Xogtu waa sidaa, waxaana sidaa dhab ku ah hadalkii Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.

Tusan.

Muniir Axmed Cigaal.”

More in focus

To Top