Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  oo dhaariyay xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka

focus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  oo dhaariyay xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  oo dhaariyay xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/12/2023-ka, dhaariyay afar xubnood oo ka mid ah, shanta xubnood ee Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland, halka xubinta hadhsana dib laga dhaarin doono.

Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xubnaha guddida in ay Qaranka ugu adeegaan si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

More in focus

To Top