Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka oo diiday xabbad-joojin ka hirgasha Gaza

focus

Mareykanka oo diiday xabbad-joojin ka hirgasha Gaza

Mareykanka oo diiday xabbad-joojin ka hirgasha Gaza

Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah. Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka. Mareykanka ayaa diiday halka Britian ay ka aamustay

Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Robert Wood, ayaa sheegay in ayna taageereyn doonin xabbad joojin degdeg ah oo laga hirgaliyo Gaza.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad ugu garab istaagtay Israa’iil xasuuqa ay u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna Mareykanka Israa’iil ugu deeqday gantaalo culus iyo hub kale oo casri ah.

Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku heyso dhulka Falastiin ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo uu dagaalka hakad ku jiray.

Ciidanka ayaa sheegay in “dagaalo xooggan oo ay weheliyaan duqeyn xagga cirka ah” la galeen dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka Qaza.

More in focus

To Top