Connect with us

somalilandtoday.com

Baarlamaanka Puntland oo sameystay muddo korodhsi hal sanno ah xili maanta lagu waday in lakala diro

focus

Baarlamaanka Puntland oo sameystay muddo korodhsi hal sanno ah xili maanta lagu waday in lakala diro

Baarlamaanka Puntland oo sameystay muddo korodhsi hal sanno ah xili maanta lagu waday in lakala diro

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sameystay sannad muddo korodhsi hal sanno ah
Guddiga Isimmadda Dhulbahante oo ku howlanaa xal ka gaadhista khilaafka arrimaha doorashada, ayaa guddoonshay in baarlamaanka haatan jira loogu daro 12 bilood, si ay iyagu u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Baarlamaanka oo saaka loo qeybiyay go’aanka isimmada Dhulbahante, ayaa meel mariyay muddo 12 bilood ah, iyagoo sheegay in lifaaqa uu soo saaray madaxweynuhu uu yahay mid wakhtigiisu kasoo dib dhacay, sidaas awgeedna ay iyagu la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay inay sii joogaan xilka. Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu sheegay inuu saacadaha soo socda soo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Lama oga sida uu ku socon doono go’aanka baarlamaanka Puntland, iyadoo xalay madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in Puntland ay ku laabatay doorashadii 66 xildhibaan ee hore loogu dhaqmi jiray.

Madaxweyne Deni ayaa qorshihiisu ahaa in marka baarlamaanka uu soo saaro lifaaqa doorashada uu soo magacaabo guddiga ansixinta baarlamanka, kadibna isla maanta lakala diro baarlamaanka waqtigiisa uu dhammaaday

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top