Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo si rasmi ah ugu Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed Ee Adduunka

focus

Soomaaliya Oo si rasmi ah ugu Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed Ee Adduunka

Soomaaliya Oo si rasmi ah ugu Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed Ee Adduunka

Dowladda Soomaaliya oo ku biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay ku biiritaanka guddigaan oo ka kooban lix xubnood.

Kamid noqoshada guddiga ayaa lagu sheegay munaasabad Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Mohamed Makhzumi ay kaga qeyb gashay Iimaaraatka Carabka Shir lagaga hadlaayay Isbadalka Ciilada iyo caqabadaha xiligaan ka jira Soomaaliya ee ku saabsan helida dhaqaalaha cimilada.

Wasiiradda ayaa waxay iftiimisay caqabadaha adag ee ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan Cimilada, waxa ayna la wadaagtay qorshayaasha hiigsiga leh qaranka ee ku waajahan tijaabooyinka isbedel doonka ah.

Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka Maaliyadda cimilada adduunka.

Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha, in la kobciyo hal-abuurnimada, iyo in la sameeyo xalal wax-qabad leh oo Wadamada wajahaya caqabadaha Cimilada u noqda samatabixin.

More in focus

To Top