Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland oo walaac ka muujisay halis amni oo kasoo korodhay Badda Cas

focus

Xukuumadda Somaliland oo walaac ka muujisay halis amni oo kasoo korodhay Badda Cas

Xukuumadda Somaliland oo walaac ka muujisay halis amni oo kasoo korodhay Badda Cas

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay walaac ku abuurtay falal budhcad badeedbimo oo dhawaanahan ka dhacay Badda Cas, waxayna sheegtay in ay xoojisay amniga badeeda.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay fiiro gaar ah ku eegaysaa amni darrada ka taagan afaafka Koonfureed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden), iyadoo weeraro lagu qaaday Maraakiib  ay ka mid yhiin kuwo Ganacsi iyo kuwa dagaal, taasoo abuuri karta xaalad Budhcad Badeednimo, waana khadar soo fool leh oo u baahan in si wada jir ah wax looga qabto.

 Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka walaacsan tahay saamaynta dhaqaale iyo bulsheed ee  ka dhalan karta dhaqdhaqaaqa  sharci darrada ah ee ku soo kordhay Badda cas, taasoo keeni karta sixir barar ku yimaadda qiimaha maciishadda,sidoo kale keenaysa kor u kac ku dhaca caymiska maraakiibta ee Gobolka.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo leh Xeeb dhererkeedu yahay 850km oo ay ilaalinayaan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, waxay qaadeen Ciidanku tallaabooyin lagaga hor tegayo in ay ka dhacaan falal Budhcad Badeednimo iyo tahriibin ka dhacda  Xeebaha Somaliland.

 Labadii wiig ee u danbeeyey Dawladda Somaliland, waxay xoojisay kormeerka iyo ilaalinta xeebaha Somaliland iyo guud ahaan amniga Badda ee Gobolka.

Dawladda Somaliland waxaa ka go’an xoojinta amniga iyo nabad-gelyada Baddeeda, aaggaga Ganacsi  ee xuduudeheeda dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da sharci si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u tahay in ay iskaashi kala samayso Dawladaha jaarka ah ee badda cas iyo Gacanka Cadmeed, si looga hor tago amni darro iyo Budgcad Badeednimo ka samaysanta Gobolka.”

More in focus

To Top