Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Oo Duqeyn Xooggan La Beegsatay Cisbitaalka Kamal Adwan

focus

Israa’iil Oo Duqeyn Xooggan La Beegsatay Cisbitaalka Kamal Adwan

Israa’iil Oo Duqeyn Xooggan La Beegsatay Cisbitaalka Kamal Adwan

Dad ka badan 100 qof ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhintay duqeynta Israel ku wado nawaaxiga cisbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza.

Duqeynta ku socota Kamal Adwan ayaa socotay illaa xalay, iyadoo rasaas lala beegsaday dadka shacabka ee ku sugan cisbitaalka kuwaasi oo isku dayey qaarkood inay halkaasi iskaga cararaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale duulaan xooggan ka wada Koonfurta Gaza oo ay ku sugan yihiin in ka badan 2 milyan oo qof oo ay ku jiraan dadkii hore uga soo qaxay waqooyiga Gaza.

Israa’iil oo ay khasaaro militari kasoo gaadhay dagaalada fool ka foolka ah ee ka socda waqooyiga iyo bartamaha Gaza, ayaa xooga saareysa inay duqeyso goobaha shacabka si ay u ciqaabto dadka rayidka ah.

Amar kasoo baxay ciidamada Israa’iil ayaa loogu sheegay shacabka inay iskaga baxaan magaalooyinka Khan Yunis iyo Rafax ee koonfurta Gaza, isla markaana u qaxaan dhulka lama degaanka ah ee koonfurta Gaza.

Israa’iil ayaa sidoo kale ku amartay hay’ada Caafimaadka Dunnida ee WHO inay baneyso bakhaaradeeda kaydka daawooyinka ee ku yaalla koonfurta Gaza, sida uu xaqiijiyey Madaxa WHO.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Israel dooneyso inay gebi ahaan Gaza kaga saarto shacabka Falastiiniyiinta oo ay ka dhigto goob lama degaan ah, taasi oo ay hore ugu hanjabeen xubno ka tirsan maamulka xagjirka ah ee Israel.

More in focus

To Top