Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe yaab leh oo ay ka damacsan tahay Gaza dagaalka kadib

focus

Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe yaab leh oo ay ka damacsan tahay Gaza dagaalka kadib

Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe yaab leh oo ay ka damacsan tahay Gaza dagaalka kadib

Israa’iil ayaa ku wargelisay dhowr dal oo Carbeed inay doonayso inay aag difaac ah ka abuurto dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weeraro ay Xamas mustaqbalka kusoo qaado Israa’iil.

Qorshahan ayey Israa’iil sheegtay inay fulineyso kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masaari iyo kuwa gobolka ku sugan ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Qorshahan ayaa macnihiisu yahay in ciidamada Israa’iil ay ka difaaci doonaan Israa’iil gudaha Gaza intii ay ku sugnaan lahaayeen xudduudoodii hore, balse ma cadda inta kilometer ay Israa’iil dooneyso inay aagga difaacca ka dhigto

Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israa’iil waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, oo sannadkii 2020 xidhiidh diblomaasi la sameystay Israa’iil.

Waxa kale oo ay sheegeen in Sacuudiga, oo aan xidhiidh la lahayn Israa’iil islamarkaana joojiyey wada-hadallo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza billaamay 7-dii October, lagu wargeliyey qorshaha Israa’iil.

Ilo-wareedyada ma sheegin sida ay xogtani ku gaadhay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xidhiidh toos ah oo ay la leedahay Israa’iil. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan.

Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israa’iil– kaas oo dib u billaamay Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israa’iil ay ka gudubtay dhex-dhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib.

Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka, waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israa’iil ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza.

Xamaas waxa ay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii October 7, waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof.

Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top