Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya oo laga qaaday cuna-qabateyntii hubka

focus

Soomaaliya oo laga qaaday cuna-qabateyntii hubka

Soomaaliya oo laga qaaday cuna-qabateyntii hubka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 31 sanno kadib Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika.

Coddeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sanno ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka.

Tani ayaa albaabada u furi doonta in dowladda Soomaaliya inay soo iibsato hub culus oo casri ah, kaas oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo xilligaan maraya heer gabogabo ah.

Soomaaliya ayaa Cunaqabatayntan waxaa la saaray sannadkii 1992-kii, taas oo ka dhalatay ka dib dagaalladii soo keeyey ee dalka ka dhacay.

More in focus

To Top