Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Henry Kissinger oo geeriyooday isaga oo 100 jir ah

focus

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Henry Kissinger oo geeriyooday isaga oo 100 jir ah

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Henry Kissinger oo geeriyooday isaga oo 100 jir ah

Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, oo ahaa diblamaasi weyn isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa xalay geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 jir.

Kissinger, ayaa ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.

Kissinger, ayaa saameyn weyn ku yeeshay arrimaha siyaasadda caalamka muddo siddeed sanno ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u soo kala noqday, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka. Bishi July ee sannadkaan 2023-ka wuxuu magaalada Beijing kula kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

More in focus

To Top