Connect with us

somalilandtoday.com

Nin qirtay inuu xaday lacag gaadhaysa malaayiin doolar

focus

Nin qirtay inuu xaday lacag gaadhaysa malaayiin doolar

Nin qirtay inuu xaday lacag gaadhaysa malaayiin doolar

Nin asalkiisu ka soo jeedo dalka Nigeria balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ka hor qirtay inuu ku kacay khiyaano isla markaana uu xaday in ka badan 6 milyan oo doolar muddo toddobo sanno ah.

Idris Dayo Mustafa, oo 33 jir ah, waxa uu qayb ka ahaa koox jabsata oo gashay email-ka iyo xisaabaadka shirkadaha Maraykanka laga leeyahay intii u dhaxaysay sannadihii 2011 iyo 2018, taas oo keentay in la waayo lacagtaasi lixda milyan ah sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah

Mustafa ayaa laga soo celiyay Ingiriiska bishii August, laba sanno kadib markii la xidhay.Dambiyada uu galay ayaa gaadhaya ilaa sida la sheegay u dhigma xukun gaadhaya 20 sanno oo xadhig ah.

More in focus

To Top