Connect with us

somalilandtoday.com

Doon laga leeyahay IRAN oo lagu afduubtay xeebaha Puntland

focus

Doon laga leeyahay IRAN oo lagu afduubtay xeebaha Puntland

Doon laga leeyahay IRAN oo lagu afduubtay xeebaha Puntland

Wararka naga soo gaadhaya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay doon nooca kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Iran lagu afduubtay maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Yuusuf Khuurshe oo u warramay VOA ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday doontaasi, isaga oo sheegay in kaxeysteen rag budhcadbadeed ah.

Axmed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in doonta oo dhameysatay shaqadeeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag isa soo abuulay, kadibna ay sidaas ku afduubteen.

“Doon Qandala aageeda joogtay oo shaqadeydii dhammeysatay, ilaaladiinta ay kasoo degay oo safar ah ayaa niman abaabulan oo qoryo wata oo budhcadbadeed lagu tilmaamay ay doontaas la wareegeen oo ay kaxeysteen” ayuu yidhi gudoomiyaha degmada Qandala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrimo budhcadbadeed ayaan uga shakisanahay doontaas, maalmihii u dambeeyayna waan helaynay Report-kooda, waxaana 100% xaqiijinay in nimankaas ayna ahayn wax iska abaabulay Qandala iyo aageeda”.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qandala oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doonta ay ahayd mid si sharci ah uga kalluumaysaneysay xeebaha Puntland, isla-markaana la afduubtay dhammaan shaqaalihii saarnaa doontaasi.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top