Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka oo gacanta ku dhigay burcad badeed Soomaali ah oo weeraray Markab lala xidhiidhinayo Israaiil

focus

Mareykanka ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay budhcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo isku dayay in ay qabsadaan markab xamuul ah oo lala xidhiidhinayo Israa’iil, laba maalmood ka hor.

Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarkaas dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder ayaa xusay in Mareykanku aanu meesha ka saarin xidhiidhka Xuutiyiinta ee isku dayga afduubka budhcad badeeda Soomaalida.

“Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha bilowga ah ee aanu hayno, waxayna muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali,” ayuu yidhi Ryder.

“Sida cad waa dhacdo la xidhiidha budhcad-badeednimada,” ayuu raaciyay.

Isku dayga Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen maraakiibta gacanka caddan.

More in focus

To Top