Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil iyo Xamas oo is-weydaarsaday Qeybtii 3aad ee maxabiista iyo maalintii ugu danbeysay ee xabad-joojinta

focus

Israa’iil iyo Xamas oo is-weydaarsaday Qeybtii 3aad ee maxabiista iyo maalintii ugu danbeysay ee xabad-joojinta

Israa’iil iyo Xamas oo is-weydaarsaday Qeybtii 3aad ee maxabiista iyo maalintii ugu danbeysay ee xabad-joojinta

Maamulka Xamaas ee Gaza ayaa xalay siidaayey qeybtii 3aad ee Israa’iiliyiinta ay soo qabteen dagaalyahanada Falastiin 7dii Oktoober.

Dadka lasii daayey ayaa ahaa 13 Israa’iiliyiin ah, 3 nin oo u dhashay Thailand iyo muwaadin Ruush ah.

Xamaas ayaa sheegtay inay siideysay muwaadinka Ruushka kadib markii uu sidaa ka codsaday Madaxweynaha Ruushka Putin.

Tirada guud oo ay Xamaas siideysay ayaa hadda gaadheysa 63 qof, waxaana hore loo sheegay inay qafaasheen in ka badan 200 qof.

Xamaas weli ma siideyn maxaabiista Askarta ah oo ay ku qabsadeen dagaalkii 7dii Oktoober.

Israa’iil ayaa iyaduna xalay siideysay 39 dhalinyaro reer Falastiin ah oo ay xabsiyada ku heysay. Dhalinyaradaasi oo intooda badan aan wax danbi ah gelin.

Maanta oo Isniin ah ayey ku egtahay xabad-joojintii koobneyd ee 4ta maalmood ahayd.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in wakhti dheeraad ah lagu daro xabad-joojinta.

Wafti ka socda Qatar ayaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xalay hadlay ayaa isaguna sheegay inuu taageersan yahay in wakhti dheeraad ah lagu daro xabad-joojinta.

More in focus

To Top