Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Iyo Xamaas Oo Saaka Maxaabiis Kale Is Dhaafsaday

focus

Israa’iil Iyo Xamaas Oo Saaka Maxaabiis Kale Is Dhaafsaday

Israa’iil Iyo Xamaas Oo Saaka Maxaabiis Kale Is Dhaafsaday

Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee Axadda maanta ah gaadhay Israa’iil, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza.

Israa’iil ayaa dhankeeda sii deysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saaka aroortii hore gaadhay Daanta Galbeed. Sii deynta tobanaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalmood ah oo ay gaadheen Israa’iil iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israa’iil ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday cisbitaallada si loogu sameeyo baadhitaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda.

Dhanka Ramallah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, boqollaal qof ayaa soo dhaweeyay bas weyn oo uu leeyahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israa’iil xalay. Wakaaladda wararka Reueters ayaa iyaduna sheegtay in 33 ka mid ah 39-ka lasoo daayay ay carruur yihiin.

Maanta oo Axad ah iyo berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro sii deynta dadka ay kala heystaan labada dhinac. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ku eg salaasada.

More in focus

To Top