Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa ka hirgalay heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

focus

Maxaa ka hirgalay heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Maxaa ka hirgalay heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Israa’iil ayaa xalay sheegtay, in sii deynta ilaa 50 qof oo ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban Xamaas aysan dhici doonin ilaa Jimcaha berrito ah, halkii laga filayay in Khamiista maanta ah lagu sii daayo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ee ay gaadheen Israa’iil iyo Xamaas.

Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israa’iil ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xidhan xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Gaza, halka Xamas ay sii deyn doonto 50 ka mid ah laheystayaasha Israa’iil. Sidoo kale, muddo afar maalin ah ayay Israa’iil iyo Xamaas jooji doonaan madaafiicda.

Waqtiga uu sida rasmiga ah u billaaba doono dhaqangalka heshiiska ayaanan caddeyn, hase yeeshee ilo wareedyada xagga amniga Masar ayaa sheegay in dowladaha dhexdhexaadinaya ay doonayaan in heshiiska xabbad joojinta uu dhaqan galo afarta subaxnimo ee Khamiista maanta ah.

More in focus

To Top