Connect with us

somalilandtoday.com

Shaqaalaha cisbitaalka Alshifa Oo Lagu Qasbay In Meydadka Ay Cisbitaalka Ku Dhex Aasaan

focus

Shaqaalaha cisbitaalka Alshifa Oo Lagu Qasbay In Meydadka Ay Cisbitaalka Ku Dhex Aasaan

Shaqaalaha cisbitaalka Alshifa Oo Lagu Qasbay In Meydadka Ay Cisbitaalka Ku Dhex Aasaan

Agaasimaha cisbitaalka Al-Shifa Mohammad Abu Salmiya ayaa sheegay in cisbitaalka lagu qasbay in lagu aaso 179 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo bukaano ku dhintay qeybta daryeelka degdega ah, xabaal wadareed gudaha dhismaha cisbitaalka.

Wariye la shaqaynaysay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in urta maydadka go’aya uu yaallo meel kasta oo xarunta ah.

Weriyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf ayaa la hadlay qof ku sugan cisbitaalka oo sheegay in taangiyada ay ku hareereysan yihiin cisbitaalka dhinac walba, isla markaana ayna suurtagal ahayn in gudaha iyo dibadda loo galo cisbitaalka.

Hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ayaa sheegtay in shidaalka uu dhammaan doono maanta cisbitaalada magaalada Qaza.

200,000 oo qof oo kale ayaa ka qaxay waqooyiga Qaza 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, sida Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo dagaal ba’an oo u dhexeeya dagaalamayaasha Xamaas iyo ciidamada Israa’iil ay ka socdaan agagaarka isbitaallada halkaas oo bukaannada ay ugu dhimanayaan tamar yaraan iyo saadka oo sii yaraanaya.

More in focus

To Top