Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha ciidammada Israa’iil kasoo gaadhay dagaalka Gaza oo korodhay

focus

Khasaaraha ciidammada Israa’iil kasoo gaadhay dagaalka Gaza oo korodhay

Khasaaraha ciidammada Israa’iil kasoo gaadhay dagaalka Gaza oo korodhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee Ciidamada Israa’iil ka soo gaadhaya hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, haatana jirsaday laba toddobaad.

Warbaahinta Israa’iil oo soo xigeynaysa Saraakiil Militariga Israa’iil ka tirsan ayaa sheegtay in 47 askari ay ku dhinteen hawlgalka ka socda Gaza, ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Militariga Israa’iil oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda ka soo gaadhay hawlgalka Gaza, balse waxa uu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto gulufkeeda ka dhanka ah Xoogaga Xamaas, illaa iyo inta laga xaqiijinayo yoolka Tel Aviv ee dagaalka.

Afhayeenka ayaa sheegay 15 maalmood oo hawlgalku uu socday in ciidamadooda ay ku burbureen godad badan, oo Ururka Xamaas ay ku lahaayeen Marinka Gaza, xubno badana ay ku dileen.

Waxa kaloo uu sheegay in tan iyo markii uu hawlgalku billaamay in ay ciidankoodu ku qabqabteen 20 nin oo ka tirsan Xamaas, isla-markaana ay geeyeen Israa’iil, si buu yidhi baadhitaano dheeri ah loogu sameeyo.

Afhayeenka ayaa sheegaya in Abaanduulaha Ciidamada ay tahay in uu sii wado doorkiisa hoggaamineed ee hawlgalka uu sheegay in lagu wiiqayo Xamaas.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Dowladda Lubnaan iyo Ururka Xisbullah ay qaadi doonaan masuuliyadda weerar kasta oo Israel kaga yimaada Lubnaan, ka dib markii weerar gantaalo ah oo Axaddii lagu qaaday deegaanada dhaca xadka waqooyi ee Israel ay ku dhaawacmeen toddobo qof oo Israeliyiin ah.

Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xoogaga Xisbullah ee xuduudda ayaa sii xoogeysanaya.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top