Connect with us

somalilandtoday.com

Xaalad Quus Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Ugu Weyn Qasa

focus

Xaalad Quus Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Ugu Weyn Qasa

Xaalad Quus Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Ugu Weyn Qasa

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka jirto laydh la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in “rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada” ee ka dhacaya agagaarka cisbitaalka ay “sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa” iyo in Al-Shifa “aanu hadda u shaqeyn sidii cisbitaal oo kale”.

Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo cisbitaal kale.

Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa BBC-da u sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan.

More in focus

To Top