Connect with us

somalilandtoday.com

Waa kuwee dalalka Carabta ee diiday in xidhiidhka loo jaro Israa’iil?

focus

Waa kuwee dalalka Carabta ee diiday in xidhiidhka loo jaro Israa’iil?

Waa kuwee dalalka Carabta ee diiday in xidhiidhka loo jaro Israa’iil?

Waxaa fashil kusoo dhammaaday shirkii dalalka Jaamacada Carabta ee Sabtidii lagu waday in go’aano laga soo saaro.

Shirkan ayaa markii danbe loo bedalay shirka wadajirka ah ee dalalka Islaamka & Carabta oo markii hore la qorsheeyey inuu dhaco Axaddii shalay.

Dalalka Jaamacada Carabta ayaa murrankooda dhex geeyey dalalka Islaamka kadib markii la isku mari waayey go’aano adag oo ay rabay in la qaato dalalka qaarkood.

Go’aanadaasi oo ay kamid ahaayeen in cunaqabateyn la saaro Israa’iil, sida xayiraada Hawada iyo militariga.

Qorshahaasi ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa in Mareykanka loo diido inuu isticmaalo saldhigyada ku yaalla dalalka Carabta ama halkaas uu hub usii mariyo Israa’iil.

Go’aanadan oo cadaadis xoogan saari lahaa Mareykanka iyo Israa’iil ayaa waxaa diiday 9 waddan oo kala ah:

Sacuudiga

Masar

Jordan

Jabuuti

Imaaraadka

Baxreyn

Sudan

Marooko

Muritaaniya

Dhamaan dalalkan ayaa ah kuwa xidhiidhka diblumaasi la sameystay Israa’iil marka laga reebo Sacuudiga iyo Jabuuti oo iyagu ah dalal martigeliya ciidamada Mareykanka oo ay xayiraadan saameyn lahayd.

More in focus

To Top