Connect with us

somalilandtoday.com

Shirka Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika oo ka furmay Riyadh

focus

Shirka Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika oo ka furmay Riyadh

Shirka Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika oo ka furmay Riyadh

Waxaa shalay Jimcihii magaalada Riyadh ka furmay shirka iskaashiga Boqortooyada Sacuudiga iyo dalalka Afrika.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa khudbadiisa furitaanka kaga hadlay xaalada Falastiin isagoo cambaareeyey Israa’iil.

MBS ayaa sheegay in Israa’iil ay dambiyo dagaal ka geysaneyso Marinka Gaza.

Shirka ka furmay Riyadh ayaa diirada lagu saarayaa sare u qaadida ganacsiga ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Qaarada Afrika.

Sacuudiga ayaa sheegay in $45 bilyan ay gelisay mashaariicda horumarinta 54 wadan ee Afrika.

Sidoo kale hay’ada gargaarka Sacuudiga KSrelief ayaa la sheegay in lacag gaadheysa $450 milyan ku deeqday hawlaha gargaarka ee laga wado 46 wadan oo Afrikaan ah.

Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay hirgelinta Mashruuca (King Salman Development Initiative) oo ay ku baxeyso $1 Bilyan.

Mashruucan oo socon doona 10 sanno ayaa lagu kabayaa dalalka Afrika.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu maalgashi gaadhaya $25 Bilyan uu gelin doono Afrika.

More in focus

To Top