Connect with us

somalilandtoday.com

Salaadiinta beelaha Arab oo ka cudurtaay  kulan uu Madaxweyne Biixi ka dalbaday inuu la yeesho.

focus

Salaadiinta beelaha Arab oo ka cudurtaay  kulan uu Madaxweyne Biixi ka dalbaday inuu la yeesho.

Salaadiinta beelaha Arab oo ka cudurtaay  kulan uu Madaxweyne Biixi ka dalbaday inuu la yeesho.

Salaadiinta beelaha Arab ayaa ka cudurtaay  kulan uu Muuse Biixi ka dalbaday inuu la yeesho.

Mawqif uu kulankaas ka qaatay Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaanay la qaateen madaxdhaqameedka kale ee beeshiisu, taas oo sababtay in Muuse lala kulansiiyo 7 caaqil oo aan matalaad dhab ah ka haysan dadkooda.

Badhasaabka Hargeysa Tiimbaro, gudomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid, Xildhibaan Raamboo iyo xoghayaha dawlada hoose Siciid Nuur oo kulankan abaabulkiisa lahaa ayaana xaga danbe kaga soo daray wasiirada arimaha dibeda iyo beeraha oo aan waxba kala socon ajandaha Shirka.

Kulanka oo qabsoomay 08 November 2023 oo ku beegnayd maalintii Arbacadii  ayaa lay xaqiijiyey in todobada caaqil iyo masuuliyiinta wehelinayey miiska la tageen sadex qodob oo ay isku afgaran waayeen Muuse Biixi ka dib markii uu madaxweynuhu si cad u diiday.

Dhamaystirka waddada Balligubadle, inuu kala shaqeeyo sidii Tiimbaro u noqon lahaa gudoomiyaha guurtida iyo inuu ku taageero mawqif diidmo ah oo ay sheegeen inay  ka qaadanayaan qodobadii lagu xaliyey muranka doorashooyinka ayey  todobada caaqil iyo masuuliyiinta wehelinayey hor dhigeen Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa cuqaasha beelaha Arab ugu jawaabay inaanu dhamaystiri Karin waddada Balli-gubadle oo aanu hada u hayn dhaqaale diyaar ah, in Tiimbaro noqdo gudoomiyaha guurtida ayuu u sheegay inaanay ahayn wax isaga ku xidhan balse uu intii awoodiisa ah la dedaali doono.

Qodobka doorashooyinka la xidhiidha ayuu Muuse Biixi kaga jawaabay inaanu isaguba ogolayn qodobadii ay Habarjeclo soo saartay oo sida Arab iyo Samaroon uga soo horjeedo, isaga oo xusay inaan hadana la joogin wakhtigii uu diidi lahaa maadaama oo golaha wakiiladu ansixiyeen, waxaanu xusay in reeraha diidan looga fadhiyo inay keenaan wixii ay xal u arkaan.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la,aan aan waxba laysla meel dhigin

More in focus

To Top