Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyihii ugu weynaa budhcada Daroogada oo lagu qabtay Turkiga

focus

Hoggaamiyihii ugu weynaa budhcada Daroogada oo lagu qabtay Turkiga

Hoggaamiyihii ugu weynaa budhcada Daroogada oo lagu qabtay Turkiga

Booliiska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah hogaamiyayaasha ugu waaweyn caalamka ee ka ganacsada daroogada iyo hubka.

Dritan Rexhepi oo ah 44 jir u dhashay dalka Albania ayaa waxa muddo baadi goobayey booliiska adduunka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhawaan dalka Turkiga kusoo galay baasaboor Kolombiyaan ah.

Turkiga ayaa xogta ninkan ka helay Booliiska Talyaaniga oo baadi goobayey ninkan oo loo heysto ganacsiga daroogada, dilal, afduub iyo ganacsiga hubka.

Hoggaamiyahan ayaa ah madaxa kooxda loo yaqaan Kompanio Bello oo awood badan kuleh dalalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika.

Ninkan ayaa hore uga baxsaday xabsiyo ku yaalla dalalka Beljimka iyo Talyaaniga.

More in focus

To Top