Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha IRAN oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Sacuudiga

focus

Madaxweynaha IRAN oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Sacuudiga

Madaxweynaha IRAN oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Sacuudiga

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqasho taariikhi ah ku tago dalka Sacuudiga.

Raisi ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweyne Axadda soo socota ka dhacaya Sacuudiga oo lagaga hadlayo xaalada Gaza.

Wuxuu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo hogaamiyaha Iran ku tago Sacuudiga tan iyo markii labada dal xidhiidhkooda dib usoo noqday.

Bishii march, ayey dalalka Iran iyo Sacuudiga heshiis gaadheen kadib dhex dhexaadin ay u sameysay dowlada Shiinaha.

Shirweynaha Gaza lagaga hadlayo ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo fadhigiisa yahay magaalada Jeddah.

More in focus

To Top