Connect with us

somalilandtoday.com

Kongareyska Mareykanka oo cambaareeyey Xildhibaanad Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin

focus

Kongareyska Mareykanka oo cambaareeyey Xildhibaanad Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin

Kongareyska Mareykanka oo cambaareeyey Xildhibaanad Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin

Kongareyska Mareykanka ayaa cod u qaaday Qaraar lagu cambaareynayo Xildhibaanada Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin.

Qaraarkan oo noociisa loo yaqaan (censure) ama cambaareyn ayaa ah talaabooyinka uu golaha ku ciqaabi karo xildhibaanada.

Xildhibaanada Jamhuuriga oo qaraarkan soo diyaariyey ayaa ku eedeeyey xildhibaanada inay ku baaqday burburinta Israel.

Rashida ayaa kamid ah xildhibaanada faro ku tiriska ah ee u ololeeya Falastiin, isla markaana cambaareeyey xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Kongareeska Mareykanka oo ay hadda guddoonkiisa iyo aqlabiyadiisa hayaan Jamhuuriga ayaa bishii Feberwry sidan u cambaareeyey Xildhibaanada Ilhan Cumar.

Rashida iyo Ilhan ayaa kamid ah 20 xildhibaan oo ka tirsan Dimuquraadiga oo si adag uga soo horjeeda Israel.

Qaraarka lagu cambaareeyey Rashida ayaa codbixintii loo qaaday u dhacday:

Waxaa Qaraarka taageeray 234, Waxaa diiday 188, waxaana xusid muddan in 22 kamid xisbiga Dimuraadiga inay codkooda ku taageereen Qaraarkan lagu taageerayey Israel.

Rashida ayaa sheegtay inaan la aamusin karin isla markaana mar walba ka hadli doonto xaquuqda shacabka Falastiin.

Baarlamaanka Mareykanka ayey ku xoogan yihiin xildhibaanada labada xisbi oo taageera Israel oo sidoo kale maalgelin ka hela ururada u ololeeya Israel.

More in focus

To Top