Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga oo safiirkiisa kala baxay Israa’iil

focus

Turkiga oo safiirkiisa kala baxay Israa’iil

Turkiga oo safiirkiisa kala baxay Israa’iil

Wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga ayaa sheegtay inay dib ulla soo noqdeen safiirkii ka joogaya Tel Aviv.

Turkiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib weerarka Israa’iil ku heyso shacabka Gaza.

Kadib markaan aragnay xaalada bini’aadamino ee ka taagan Gaza oo ay sababtay duulaanka ay Israa’iil ku heyso shacabka.

Diidamada Israa’iil ay weli diidan tahay xabad-joojinta iyo fasixida gargaarka, waxaanu go’aasanay inaan dib ulla soo noqono safiirkayaga Amb.Sakir Ozkan Torunlar.

Wasaaradda Arrimaha dibada Turkiga

Dalka Turkiga ayaa kamid ahaa dalalka faro-ku-tirska ah ee Muslimiinta ee xidhiidhka laleh Israa’iil.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa inuu Turkiga uu tago Xoghayaha Dibada Mareykanka Blinken oo doonaya inuu kala hadlo xaalada Falastiin.

Toddobaadkii 4aad oo ay Israa’iil wado duqeynta Gaza, tirada dhimashada shacabka ayaa mareysa 9.500 oo ay 3.900 yihiin caruur.

More in focus

To Top