Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha ciidamada Israa’iil iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo korodhay

focus

Khasaaraha ciidamada Israa’iil iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo korodhay

Khasaaraha ciidamada Israa’iil iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo korodhay

Taliska Millatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay korodhay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, islamarkaana ay gaadhay 30 askari.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari.

Garabka Millatariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israa’iil ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda.

Raysal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israa’iil.

Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa cisbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israa’iil ay horana Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada.

More in focus

To Top