Connect with us

somalilandtoday.com

Hogaamiya Xisbullah Nasrallah oo sheegay inay wadi doonaan la dagaalanka Israa’iil

focus

Hogaamiya Xisbullah Nasrallah oo sheegay inay wadi doonaan la dagaalanka Israa’iil

Hogaamiya Xisbullah Nasrallah oo sheegay inay wadi doonaan la dagaalanka Israa’iil

Hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, Nasrallah ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka Gaza.

Nasrallah ayaa sheegay in ay qaadi doonaan wado walba oo ay rabaan, isagoo ka hadlaya iska horimaadyada ka socda Xaduuda Lubnaan iyo Isra’iil.

57 askari ayuu sheegay inay kaga dhinteen iska horimaadyada ka socda xaduuda koonfureed ee Lubnaan.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay inay heegan galaan ciidankiisa.

Wuxuu sheegay in ayna u joojin doonin hanjabaada Mareykanka ka imaaneysa.

Waxna ma tari doonaan Maraakiibta iyo ciidamada aad soo dirtay ayuu yidhi Nasrallah oo la hadlayey Mareykanka.

Hadaa dooneysaan in dagaalkan joogsado waa inaad joojisaan duulaan Gaza, ayuu yidhi isagoo la hadlaya Mareykanka iyo xulafadiisa.

Dalalka Islaamka iyo Carabta ayuu ugu baaqay inay si wadajir ah dagaalkan uga qeyb qaataan.

“Dagaalkan ka socda Gaza lama mid ah kuwii hore”, ayuu yidhi Nasrallah.

Nasrallah ayaa sheegay in la rabo muslimiinta inay dagaalkan wajahaan, Illaahayna u balan qaaday guul.

More in focus

To Top