Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaaradaha Israa’iil Oo Duqeeyay Xerada Qaxootiga Jabaliya Ee Qaza

focus

Diyaaradaha Israa’iil Oo Duqeeyay Xerada Qaxootiga Jabaliya Ee Qaza

Diyaaradaha Israa’iil Oo Duqeeyay Xerada Qaxootiga Jabaliya Ee Qaza

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa laga soo sheegayaa xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza, kadib markii diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo agaasimaha cisbitaalka Indonesia ee ku dhow, halkaas ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof la dilay. Wasaaraddu waxay sheegtay in qaraxa uu ka dhashay duqayn dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay.

Jabalia waxay ku taallaa waqooyiga magaalada Gaza, xerada Jabalia waa tan ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee Gaza.

In ka badan 116,000 oo Qaxooti falastiiniyiin ah ayaa Qaramada Midoobay halkaas ka diwaan galisay bishii July 2023.

Qaxootigu waxay bilaabeen inay degaan xerada ka dib dagaalkii 1948-kii. Waa dhul yar laakiin dadku ku badan yihiin, kaliya waxay daboolaysaa 1.4 km², waxayna inta badan ka kooban tahay dhismayaal la deggan yahay.

Bartilmaameedka kale ee duqeymaha Israa’iil ayaa ahaa xerada qaxootiga ee al-Shati ee ku taalla xeebta magaalada Gaza.

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerarka oo lagu qaaday guri ku yaala xeradaasi, sida ay ilo maxalli ah u sheegeen wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top