Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Oo Ku Hanjabeysa Inay Duqeyn Doonto Cisbitaalka Al Quds Ee Gaza

focus

Israa’iil Oo Ku Hanjabeysa Inay Duqeyn Doonto Cisbitaalka Al Quds Ee Gaza

Israa’iil Oo Ku Hanjabeysa Inay Duqeyn Doonto Cisbitaalka Al Quds Ee Gaza

Maamulka iyo dhakhaatiirta ka shaqeeya cisbitaalka Al Quds ee magaalada Gaza ayaa sheegay inay farriin hanjabaad ah uga timid Israa’iil inay duqeyn doonto cisbitaalkaasi, dhakhaatiirta ayaa diiday inay halkaasi ka baxaan iyagoo sheegay in cisbitaalka jiifaan kumanaan kun dhaawac ah.

Cisbitaalkan oo kamid ah kuwa ugu waaweyn ee Gaza ayaa waxaa sidoo kale nawaaxigiisa ku sugan shacab gaadhaya 14.000 oo ah dadkii ku baro-kacay duqeynta Israa’iil.

Shalay oo Axad ahayd ayey diyaaradaha Israa’iil duqeyn xoogan ka geysanayeen nawaaxiga Cisbitaalka Al Quds.

Xasuuqa iyo duqeynta ka socda Marinka Gaza ayaa galay asbuucii 4aad iyadoo tirada dadka shacabka ah ee lagu dilay duqeyntaasi ay kor u dhaaftay 8000 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 3500 carruur ah.

More in focus

To Top