Connect with us

somalilandtoday.com

Bankigii Ugu Horreeyey Oo Caalami Ah Oo 50 Sano Kadib Laga Furay MUQDISHO

focus

Bankigii Ugu Horreeyey Oo Caalami Ah Oo 50 Sano Kadib Laga Furay MUQDISHO

Bankigii Ugu Horreeyey Oo Caalami Ah Oo 50 Sano Kadib Laga Furay MUQDISHO

Bankiga Ziraat Katilim ee Turkiga ayaa laan ka furtay magaalada Muqidsho, isaga oo noqday bankigii ugu horreeyey ee caalamai ah ee Soomaaliya ka howl-gala in ka badan 50 sanno kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Bankiga Dhexe Soomaaliya ayaa sheegay in howlgelinta bankigii ugu horreeyey ee shisheeye ee Soomaaliya ay xoojin doonta qeybta maaliyadda ee dalka, ayada oo kordhineysa fursadaha dhaqaale iyo gacancsi ee u dhaxeeya dalka iyo saaxiibadiisa ganacsi.

“Laanta cusub ee Bankiga Ziraat Katilim ee Soomaaliya waxaa la filayaa inay bixiso adeegyo banki oo shirkadeed oo kala duwan oo ay siiso ganacsiyada, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta,” ayuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku yidhi bayaan uu ka soo saaray Muqdisho.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bishii July 2022 waxa uu siiyay laba ruqsadood oo shaqo laba banki oo caalami ah – Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr ee Masar – kadib hanaan codsi oo ballaadhan.

Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah.

More in focus

To Top