Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee taageerada Falastiin darteed looga saaray golle baarlamaan

focus

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee taageerada Falastiin darteed looga saaray golle baarlamaan

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee taageerada Falastiin darteed looga saaray golle baarlamaan

Xisbiga NDP ee dowlad goboleedka Ontario ayaa xildhibaan Sahra Jamac ka saaray xubinta guddiga kadib faallooyin la xiriira Gaza ee muran dhaliyay.

Hogaamiyaha xisbiga Marit Stiles ayaa sheegtay in ficilada Sahra ay niyad jabiyeen kalsoonidiina ka burburiyeen saaxibbadeeda ay shaqo wadaagga ahaayeen.

Xisbiga Dimuqraadiga cusub ee Ontario ayaa ka ceyriyay xarunta Hamilton, Sarah Jama, ku dhawaad laba toddobaad kadib markii ay soo bandhigtay hadal muran dhaliyay oo ay ku taageerayso Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyaha NDP Marit Stiles ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in inkasta oo guddiga uu oggol yahay fikradaha kala duwan, qaar ka mid ah falalka Sahra tan iyo markii ay faallooyinkeeda bixisay “waxay gacan ka geysteen jawiga shaqada iyo shaqaalaha aan ammaanka dareemeynin” ayey tidhi

More in focus

To Top