Connect with us

somalilandtoday.com

Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Mareykanka Ee Suuriya Iyo Ciraaq

focus

Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Mareykanka Ee Suuriya Iyo Ciraaq

Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Mareykanka Ee Suuriya Iyo Ciraaq

Ciidamada Mareykanka ayaa waajahaya hanjabaado dheeraad ah, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaalka Israel iyo Xamaas uu ku fido gobolka oo dhan.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalada ayaa lagu garaacay saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Ciraaq.

Weerarradan ayaa ku soo beegmay xili ay Washington heegan sare gelisay ciidamadooda barriga dhexe ku sugan, iyadoo weeraro noocaan ah ka dhaceen Ciraaq iyo Suuriya, halka markab dagaal oo Maraykanku leeyahay uu soo riday gantaallo u socday Israa’iil oo laga ganay Yemen.

Waxaa sare u kacay weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka tan iyo markii ay iskahorimaadayda Israel ka billaameen 7-dii Oktoober.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeysay ciidamada Mareykanka ee Suuriya, waxaana ka dhashay dhaawacyo fudud, halka mid kalena la soo riday.

Shalay oo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa lala beegsaday saldhigga ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ku sugan galbeedka Ciraaq. Qaraxyo kala duwan ayaa laga maqlay gudaha saldhigga.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga 2,500 oo askari, halka 900 oo kalena ay ka joogaan dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya, wuxuuna howlgalkooda yahay sidii ay gacan uga siin lahaayeen ciidammada maxalliga ah ee dagaalka kula jira kooxda hubeysan ee ISIL oo sannadkii 2014-kii laga qabsaday dhul badan oo labada dal ah.

Iran oo kooxahan taageerta ayaa toddobaadkan sheegtay in ayna dusha kasii daawan doonin dagaalka Gaza iyo duqeynta Israel ku wado shacabka Falastiin, xili Wasiirka Arrimaha dibada ee Iran uu magaalada Doxa kula kulmay hoggaamiyaha Xamaas.

Dalka Iran ayaa ah wadanka kaliya ee sida rasmiga ah u taageeray duulaankii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7dii Oktoober oo lagu dilay in ka badan 1400 isugu jira askar iyo shacab Israa’iiliyiin ah.

More in focus

To Top