Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil SOOMAALI Ah Oo Isku Gubay Dalka Qubrus Kadib Markii Loo Diiday Sharciga Degenaanshaha

focus

Wiil SOOMAALI Ah Oo Isku Gubay Dalka Qubrus Kadib Markii Loo Diiday Sharciga Degenaanshaha

Wiil SOOMAALI Ah Oo Isku Gubay Dalka Qubrus Kadib Markii Loo Diiday Sharciga Degenaanshaha

Wiil Soomaali ah ayaa shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii sida la sheegay loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.

Wiilkan 23 jirka ah, magaciisana aan la sheegin, ayaa la sheegay inuu dhacdadan ku sameeyey dibedda Xafiiska Socdaalka iyo Ajaaniibta ee magaalada Larnaca, taasi oo dhalisay in qeybo ka mid ah jidhkiisa uu gubto.

Saraakiisha booliska ayaa si deg deg ah usoo faro-geliyey arrintan islamarkaana damiyey dabka. Wiilka ayaa loo qaaday cisbitaalka, waxaana la sheegay inuu si aad ah u gubtay, oo xaaladdiisa ay darran tahay.

Wararka ayaa sheegay inuu ka cabanayey go’aan loogu tarxiili lahaa Soomaaliya, kadib markii codsigiisa magan-galyo doon lagu gacan saydhay.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in 23 jirkan uu codsiga magan-galyo doon gudbisaday 2021. Waxaa sidoo kale la sheegay in muddo aan la cayimin kahor uu codsaday inuu si iskiis ah ugu laabto dalkiisa.

Si kastaba Arbacadii, ninkan ayaa tagay xafiiska socdaalka, wuxuuna muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo ka hor inta aanu isku shubin shidaal uu ku sitay quraarad, kadibna uu is-gubin.

Dhallinyaro badan oo Soomaali ayaa marar badan ku kacay falal naftooda ama kuwa dadka kale halis geliyey kadib markii ay sharciyo deganaansho ka waayeen qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayadoo qaarkood ay is-dileen.

More in focus

To Top