Connect with us

somalilandtoday.com

Putin Oo Mareykanka Ku Eedeeyey Dagaalka Falastiin

focus

Putin Oo Mareykanka Ku Eedeeyey Dagaalka Falastiin

Putin Oo Mareykanka Ku Eedeeyey Dagaalka Falastiin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maraykanka ku eedeeyey dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil, hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii billaamay dagaalka Gaza.

“Waxaan u maleynayaa in dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe,” Putin ayaa hadalkan ku dhawaaqay xili uu shalay kulan la yeelanayey Raysal wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ Al-Sudani.

Putin iyo dhiggiisa Ciraaq ayaa ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan khilaafka hadda u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hadalada Putin waxaa kamid ahaa: Maraykanku wuxuu isku dayey in kaligii looga danbeeyo xalka Falastiin, laakiin nasiib darro ma keenin “Xal” ay aqbali karaan labada dhinac, balse Maraykanku waxa uu taageero buuxda u hayaa hal dhinac, isagoo aan wax tixgelin ah siineyn danaha aasaasiga ah ee Shacabka Falastiiniyiinta,”

More in focus

To Top