Ururka Xamaas ayaa ku hanjabay inuu dili doono Israa’iiliyiinta u afduuban mar kasta oo Israa’iil ay bambooyin ku garaacdo guryaha falastiiniyiinta digniin la’aan.
Afhayeenka Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa soo saaray hanjabaad ah in ay dili doonaan Israa’iiliyiinta gacantooda ku jira, haddii Israa’iil ay sii waddo duqaymaha guryaha Falastiiniyiinta, oo ay dilkana baahin doonaan.
Ma jirto jawaab ka timid dhinaca Israa’iil oo la xidhiidha hanjabaadaas. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen wuxuu sheegay in ilaa 100 qof ay Xamaas qafaalatay markii ay maalmo ka hor weerarka ku soo qaadday Israa’iil.
Dhexdhexaadiyeyaal reer Qadar ah ayaa iyagana isku dayaya inay wadaxaajood ka galaan sii deynta haweeney Israa’iiliyad ah iyo carruur ay Xamaas qafaasheen si loogu sii daayo 36 isugu jira haween iyo carruur Falastiiniyiin ah.
Dhinaca kalena, Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in ay u soo dhacayaan farriimo maqal ah oo ay soo dirayaan saraakiisha ciidamada Israa’iil, kuwaasoo sheegaya inay iskaga baxaan inta badan waqooyiga iyo bariga Qasa, ayagoo ka digay in ciidanku u halkaa hawlgal ka samayn doono.
Ayadoo labada dhinac ay isku midiyo lisanayaan ayaa dhinaca kale madaxda dalalka islaamka waxay isla eegayaan sidii colaadda loo joojin lahaa.
Madaxweynayaasha Masar iy Turkiga, Cabdulfataax Al Siisi iyo Racep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Xamaas iyo Israa’iil inay degdeg u joojiyaan dagaalka oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.
Cabsi weyn ayaa laga qabaa in dagaalku uu sii baaho, dalalka galbeedkana taageero aan kala hadh lahayn ayey la garab istaageen Israa’iil. Taliyaha ciidamada Maraykankana wuxuu Iran uga digay in ayna soo dhex galin mushkiladdan.
Maraykanka oo sannad kasta Israa’iil siiya 3.8 bilyan oo dollar oo ah kaalmo milateri wuxuu sheegay in uu iminka siin doono saad cusub oo isugu jira hubka difaaca cirka, rasaas iyo kaalmo kale oo xagga amniga ah
Yuusuf Xasan oo ah khabiir saxaafadeed muddana ka soo shaqeeyey Israa’iil iyo Falastiin wuxuu aaminsan yahay in xiisaddan ay ka dhalan karto khariidad cusub oo bariga dhexe uu yeesho.
“Waxaa ka dhalan kara Sharqul Awsad cusb. Khariidadda bariga dhexe way is beddelaysaa. Quwado waaweyn ayaa galaya. Hadda Ukaraine waa laga jeestay, xaaladdu way adag tahay, wax kastaa dhici kara, Israa’iilna waxaa ka go’an inay go’doomiso oo duqayso Falastiiniyiinta, dhinaca kalena dhibaatada way la qabsadeen. Dhibaatada ugu weyn ee Israa’iil haysatana waa dad ka laga haysto” ayuu yidhi Yuusuf Xasan