Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeed Oo Soo Saaray Bayaan Ay Kula Safteen Sraa’iil

focus

Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeed Oo Soo Saaray Bayaan Ay Kula Safteen Sraa’iil

Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeed Oo Soo Saaray Bayaan Ay Kula Safteen Sraa’iil

Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa hadda soo saaray bayaan ay ku muujinayaan ” cambaarayn aan leexleexad lahayn oo ka dhan ah Xamaas iyo falalkeeda argagaxisada ah” sida ay hadalka u dhigeen.

Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii ay wada hadleen Madaxweyne Macron, Scholz, Meloni, Sunak iyo Madaxweyne Biden.

“Falalka argagixisanimo ee Xamaas ma laha wax cudurdaar ah, sharcina ma leh, waana in si caalami ah loo cambaareeyaa,” ayaa lagu yidhi bayaanka

“Waddamadeenu waxay Israa’iil ku taageeri doonaan dadaallada ay kaga ilaalinayso nafteeda iyo dadkeeda xadgudubyadan oo kale,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo sii socda, isagoo intaas ku daray: “Waqti xaadirkan ma aha in qolo kasta oo cadow ku ah Israa’iil ay uga faa’ideysato weerarradan.”

“Dhammaanteen waxaan aqoonsannahay rabitaanka sharciga ah ee dadka reer Falastiin, waxaanan taageernaa tallaabooyinka loo siman yahay ee caddaaladda iyo xorriyadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta si isku mid ah.

More in focus

To Top