Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Masaari Ah Oo Gudaha Dalka Masar Ku Dilay Dalxiisayaal Kasoo Jeeda Israa’iil

focus

Askari Masaari Ah Oo Gudaha Dalka Masar Ku Dilay Dalxiisayaal Kasoo Jeeda Israa’iil

Askari Masaari Ah Oo Gudaha Dalka Masar Ku Dilay Dalxiisayaal Kasoo Jeeda Israa’iil

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in askari katirsan booliiska Masar uu rasaas ku furay dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa magaalada Alexandria ee dhacda badda Mediterranean-ka, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan laba qof oo u dhashay Israa’iil iyo mid Masaari ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Telefishinka Extra News, oo xidhiidh dhow la leh Hay’adaha ammaanka Masar, ayaa soo xigtay sarkaal ammaanka ka tirsan oo aan la aqoonsan inuu sheegay in qof kale uu ku dhaawacmay weerarka, oo ka dhacay xarunta Pompey’s Pillar ee magaalada Alexandria.

Askarigii weerarka geystay ayaa la sheegayaa in nolol lagu qabtay.

Weerarkan oo shalay ahaa ayaa ku soo beegmay xilli Israa’iil ay duqayn ka geysatay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof iyo duulaanka Xamaas ku qaaday dhulka Israa’iil oo lagu dilay ilaa 300 Israa’iiliyiin ah.

More in focus

To Top